28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: 60,000 oo ruux oo ka baracakay Hiiraan, kadib…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay wafdi uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Dawlad-goboleedka HirShabelle Yuusuf  Axmed Hagar (Dabageed), kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada maamulkaasi.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa lagu soo qaaday xaaladihii u dambeeyay iyo saameynta ka dhalatay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegano ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa diiradda xaaladaha bani’aadanimo ee ka kasoo cusboonaaday qaar ka mid ah deegaannada HirShabelle , gaar ahaan deegaanno badan oo hoostaga Gobolka Hiiraan, waxaana warbixin laga soo saaray kulana lagu sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay halkaas ay ku barakaceen illaa 60,000 oo ruux.

Waxaa kale oo qoraalka kasoo baxay SoDMA lagu sheegay inay xarumihii caafimaadka ee gobolka, sababo la xiriira howgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Dagaaladii ugu dambeeyay waxaa ku barakacay in ka badan 60,000  oo ruux, sidoo kale ay xirmeen in ka badan 10 MCH oo daryeel Caafimaad u fidin jiray Dadka shacabka oo ku nolaa Deegaanada ay howlgaladu ka socdaan”. ayaa lagu yii qoraalka Hay’adda SoDMA.

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa walaac ka muujiyay xaaldaha bini aadanimo ee ka taagan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay ka socdaan howlada lagu Bartilmaameedsanayo argagixida wuxuuna ballan qaaday in SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ay saameeyeen xaaladahaasi bini aadanimo.

Dhankiisa Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dad badan ay wajahayaan dhibaatooyin bini aadanimo ee ka dhalatay howlgalladaasi , isaga oo codsaday in si dhakhso leh loo gaarsiiyo taageero bani’aadaninimo oo degdeg ah.

Kulankaan ayaa qayb ka ah kulamada joogtada ah ee u dhaxeeya Maamul Goboleedyada iyo SoDMA kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac si loo horumariyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadanimo iyo in Dadka Soomaaliyeed ee nugul ay helaan Daryeel bini-aadanimo oo Degdeg ah.

Shalay ayay ahayd markii xarunta Hay’adda SoDMA uu booqday Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahi Ciid, waxaana qaabilay Guddoomiye Maxamuud Macallin, iyaga ka wada-hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira gobollada dhexe ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News