28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawir: Abu Musa Al-Soomali oo la dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Abuu Muusa Al-Soomaali oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo u dagaalamayay Kooxda ISIS ee dalalka Ciraaq iyo Syria ka dagaalanta ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay Khamiistii lasoo dhaafay Magaalada Kirkuuk ee dalka Ciraaq.

Wiilkaan Soomaaliga ayaa ka bar-bar dagaalamayay Kooxda IS, wuxuuna geeriyooday isaga oo dagaalamaya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Kooxda ISIS.

Sawirka wiilkaan dhalinyarada ah ayaa waxaa lagu baahiyay baraha Internetka ay isticmaalaan Kooxda ISIS.

Abuu Muusa Al-Soomaali oo Sawirkiisa lasoo bandhigay ayaa la arkaayay isaga oo gacanta ku haysta kitaabka Qur’aanka Kariimka, wuxuuna ku fadhiyaa qaybta dambe gaari xaajiyad ah.

Dhawaan ayeey aheyd markii Baraha Internetka lagu baahiyay Wiil Soomaali ah oo ku geeriyooday dagaalka ka socda dalka Yemen ee udhaxeeya Al-Qaedada Yemen iyo dowladda dalkaasi.

Waxaa soo badanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biiriya Kooxda IS ee dalalka Ciraaq iyo Syria ka dagaalanta.

Muwaadiniin badan oo Soomaali ah oo ka tagay dalalka Yurub ayaa ku biiray Kooxdaan oo dhul badan oo dalalka Ciraaq iyo Syria ka dagaalamaysa.

somali abu

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News