Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa goor sii horeysay oo maanta ah soo bandhigtay gaadiid ay leeyihiin ciidamada Booliska oo ay ka kaxeysteen saldhiga Booliska degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Sawiro ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab ayaa muujinaya labo gaari oo kuwa loo yaqaano Cabdi-Billaha oo ay sheegen inay ku qabsadeen dagaalkii ay ku galeen saldhiga Kaxda habeenkii Arbacadii.

Sidoo kale waxaa labada baabuur ee Shabaab soo bandhigtay laga dheehan karayey saameynta hubkii la isku adeegsanayey inta dagaalka ka dhex socday degmada Kaxda, gaar ahaan saldhiga booliska, ayada oo gebi ahaanba muraayadaha gaadiidkaas ay daateen.

Inta la ogyahay waa markii u horeysay ee muddo kadib Al-Shabaab u suuragasho inay gaadiid ciidan ku furtaan gudaha Muqdisho, islamarkaana ay la tagaan deegaanadooda.

Kooxda Al Shabaab ayaa habeen hore waxay weerar ku qaadeen degmada Kaxda Ee gobolka Banadir, waxayna saacad ku dhawaad haysteen saldhiga degmadaasi iyo xaafadaha udhaw, taasi oo qeyb ka aheyd weeraro ay isla habeenkaas ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka.

Arrimahan ayaa waji gabax ku ah laamaha amniga iyo sirdoonka dowladda federaalka oo xiligaan ku howlan doorashooyinka, ayada oo calaamad su’aalna saareysa waxa ay qabtaan kumanaanka ciidamada ah ee loo soo tababaray dowladda.

Si kastaba, Muqdisho ayaa shan sano oo uu xukumayey Farmaajo ka dhaxashay Al-Shabaab sidii hore ka xoog badan, oo saacaddii ay doonta soo weerarta magaalada, sidoo kalena canshuurta ganacsi kasta oo ku yaalla magaalada.