Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa sheegaya in halkaasi Saraakiisha AMISOM ay ka diiwaan gishanayaan Ciidamo iyaga ka barbar dagaalama.
Ciidamadaani oo Somali ah ayaa la sheegayaa inay u dhexeyn doonaan Ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna Ujeedku yahay in indho ay u noqdaan Ciidamada kale ee AMISOM, iyaga oo loo adeegsanaayo kaalmeynta Ciidamada Booliska AMISOM.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale adeegsanaaya Ciidamadaasi waxa ayna ka howlgali doonaan xarumaha maamulka, gaar ahaan Wasaaradaha.
Saraakiisha AMISOM ayaa Koonfur Galbeed u tababartay inkabadan 1,000 Ciidan oo isugu jira Boolis iyo Milliteri.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA