Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo gudaha asbuucii tagay Guddoomiyaha Gobolka Banaadi Taabit uu magacaabay Guddoomiyayaasha Degmooyinka, ayaa waxaa magacaabidaasi ka hor imaaday qaar kamid ah beelaha.
Beelaha kasoo horjeestay magacaabida ayaa waxaa kamid ah Beesha Kabaale, Wacbuudhan Abgaal, oo sheegtay in lagu sameeyay cadaalad daro.
Beesha ayaa si kulul uga hortimid in laga wareejiyo Gudoomiyihii keliya ee ku metelayay mid ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Waxgaradka, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Beesha Kabaale, Wacbuudhan ayaa waxaa looga soo horjeestay DFS oo iyadu lagu eedeeyay inay iska horgeyneyso beelaha kale.
Beeshu waxa ay sheegtay in degmadii uu Gudoomiyahooda ku magacawnaa lagu bedelay Degmada C/casiis, iyadoo markaasi lagu raaligelinayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda, oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda, ayay sheegen in beeshiisa aysan waxba ku laheyn Degmooyinka Gobolka Banaadir, balse uusan garankarin sababta keentay.
Wabar Maxamed Khaliif oo ka mid ah waxbaradka beesha, ayaa si kulul Madaxda Dowladda Somalia ugu eedeeyay in xaqii beesha ay duudsiiyen, hannaankii awood qaybsiga beelaha ee 4.5-na ay jebiyeen.
Wabarka waxa uu Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ku eedeeyay in uu u shaqaynayo qaab khalafsan Nidaamka, isla markaana aysan sii shaqayn doonin qaabka uu wax u wado.
Waxa uu tilmaamay in Guddoomiyaha Gobolka uu yahay mid aan aqoon iyo xirfadba u laheyn howlaha Gobolka Banaadir, kadib markii uu kala garan waayay xaqiiqda.
Waxa uu sheegay inay awoodan xitaa inay iska casilaan xilalka ay ka hayaan DFS maadaama ay weli yihiin kuwo ka tabanaayo Cadaalad darro.
Waxa uu ku baaqay in si dhaqsi ah gacantooda loogu soo celiyo Degmada ka maqan, waxa uuna wacad ku maray inay ku dhaqmi doonaan talaabooyin xumaan u noqon karta DFS.