Sawirro: BF oo ku dhegan wasiirka amniga (Maxaa maanta dhacay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan khaas ah oo u dhexeeyay Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka iyo Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ducaale.

Kulanka oo ahaa mid khaas ah ayaa waxaa ku sugnaa Kusimayaasha Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Qaranka, oo iyagu wehlinaayay Wasiir Ducaale.

Waxaa kulanka shir guddoominaayay Xildhibaan Foosiyo Maxamed Sheekh, oo ah Guddoomiyaha guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka.

Waxa uu kulanka ahaa mid la xiriiray qaraxyadii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee galaaftay nolosha boqolaal ruux oo shacab ah.

Wasiir Ducaale ayaa waxaa inta uu kulanka socday la weydiiyay su’aalo dhowr ah oo ku xeernaa qaraxyada dhacay si looga feejignaado khaladaadkii dhacay.

Ducaale waxa uu kulanka ku sharaxay waxyaabihii sababay qaraxyada ka dhacay Muqdisho iyo siyaabaha looga hortagi karo.