Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska qeybta guud ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay shaqsiyaad ku eedeysan inay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaal been abuur ah, kuwaas oo dhamaantood ah wiilal dhallinyaro ah.
Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu yiri “Hay’adaha ammaanka Gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay shan (5) eedeysane oo ku lug lahaa muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo si been abuur ah u muujinayay askari dharcad ah oo dhacaya qof jalaato wareejinaya.”
Baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen ciidanka booliska ayaa lagu xaqiijiyay in muuqaalku ahaa jiliin, si ula kac ah loo sameeyay.
Booliska ayaa sheegay in ujeeddada loo duubay muuqaalkaas ay ahayd sumcad-dil iyo marin habaabin ka dhan ah hay’adaha amniga.
“Shanta (5) eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta booliska, waxaana si degdeg ah loo horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.
Booliisku wuxuu intaas ku sii daray inuu uga digayo shacabka faafinta warar aan la hubin, si looga hortago dacaayado wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida shacabka.
Cid kasta oo lagu helo abuurka, duubista ama faafinta muuqaallo noocaan ah, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.
“Muwaadin waxii Cabasho ah, lasooxariir Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee 991 amma” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoralka ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska Soomaaliya.


