Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa lagu wadaa in dhawaan ay dhisto Xarun lagu tababaro Ciidamada militeriga Somalia, kadib markii ay dhaliil ka muujisay Xerooyinka yar ee lagu tababaro Ciidamada Xooga dalka.
Dowlada Britain ayaa ballanqaaday bixinta dhaqaalaha lagu dhisaayo Xeradaasi iyo Xuquuqda ay qaadan doonaan Saraakiisha bixin doonta Tababarka Ciidan.
Britain waxa ay sheegtay in Saraakiisha bixin doonta Tababarka laga soo dhex xuli doono AMISOM, waxa ayna tilmaantay in Xeradaasi laga yagleeli doono deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan duleedka magaalada Baydhabo.
Dhulka laga dhisaayo Xerada lagu tababaro Ciidamada Militeriga Somalia, ayaa waxaa iminka booqday Saraakiil si gaara looga dhex xulay AMISOM.
Saraakiisha booqatay Xerada ayaa sidoo kale la sheegay inay soo calaamadeeyen dhul baaxad weyn oo laga dhisi doono Xerada.
Ciidamada lagu tababari doono Xeradaani ayaa la sheegay inay noqon doonaan Ciidamada Amaanka Somalia kala wareegi doono AMISOM.


