25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Ciidanka Burundi oo ka baxay Kismaayo iyo Ethiopia oo beddeleysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isbadal lagu sameeyay 80 kamid ah ciidamadii ka socday dalka Burundi ee ku sugnaa magaalada Kismaayo.Ciidamadan la badalay ayaa muda kabadan hal sano ku sugnaa magaalada Kismaayo waxaana qorshuhu yahay in kuwa kale lagu soo badalo.

Dhanka kale ciidamada Sierra Leone ee kusugan magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in Bisha soo socota ay gabi ahaanba isaga baxaan dalka Somalia kadib markii ay suuragal noqon wayday in ciidamo cusub oo lagu badalo kuwa hada ku sugan Kismaayo laga keeno dalka Sierra Leone sababo la xiriira cudurka Ebola oo fara ba’an ku haya dalkaas.

Waxaa suuragal ah in ciidamada Sierra Leone ee Kismaayo ka baxay booskooda lagu buuxiyo ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

Hoos ka daawo ciidankii Burundi oo garoonka Kismaayo ka dhoofaya

1 2 3 4 5 6

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News