24.6 C
Mogadishu
Wednesday, August 27, 2025

Sawirro: Ciidamada Turkiga oo billaabay inay toos u tagaan furimaha dagaalka ee Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Bariire (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar iyo Taliyaha Ciidamada Turkiga ee Saldhigga TurkiSom Jeneraal Sebahattin Kalkan ayaa gaaray deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

In saraakiisha Turkiga ee Soomaaliya jooga ay furimaha dagaalka tagaan ma ahan wax dhici jiray, laakiin maanta ayaa la arkay Taliyaha ugu sareeya TurkSom oo Shabeellaha Hoose tegay.

Saraakiisha Xoogga iyo kuwa TurkSom ayaa kulama gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Deegaanka Number 50 ee Gobalka Shabellaha Hoose, halkaas oo ciidamo u diyaarsan dagaalka ay kula hadleen, una sheegeen in howlgal cusub ay isku diyaariyaan.

Sidoo kale waxa ay booqdeen Isbitaal dhismihiisu ka socdo Deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeellaha Hoose, waana markii ugu horaysay ee saraakiisha Turksom lagu arko jiidaha hore ee dagaalka.

Intaas kadib saraakiisha ayaa u sii gudubtay deegaanka Bariire, halkaas oo dhowaan lagu laayey kooxda Al-Shabaab, diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa ka qeyb qaatay dagaalkaas.

Turkiga ayaa dhisay Ciidamada Gor Gor ee Xoogga Dalka oo ah ciidanka ka howlgelaya gobolka Shabeellaha Hoose oo howlgalka ‘Duufaanta Aamusan’ uu ka socdo, waana sababta Turkigu muhiimad gaar ah u siinayo gobolkaas.

Ciidamada iyo saraakiisha Turkida ee Soomaaliya jooga horay uma tegi jirin furimaha dagaalka, balse hadda waxay bilaabeen inay tagaan, iyagoo ka qeyb qaadanaya dejinta farsamada dagaalka iyo diyaarinta ciidamada qaranka.

Dhowaan waxaa Soomaaliya imaanaya boqolaal askari oo Turki ah, kuwaas oo la howlgeli doona Ciidamada Qaranka, sidoo kalena ilaalin doona goobaha laga soo saarayo shidaalka Soomaaliya.

Turkiga oo sahmiyey shidaalka Soomaaliya ayaa dhowaan bilaabaya qoditaankiisa, sidoo kale, waxaa bilaabanaya fulinta heshiiskii difaaca ee labada dal, kaas oo dhigaya in badda Soomaaliya ay ka howlgalaan ciidamo Turkey ah, kuwaas dhisi doona ciidamada badda Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News