Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa Danab ee Xoogga dalka ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan oo aad loo qorsheeyay lagu naafeeyay Al-Shabaab, isla markaana looga hortagay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen, kuwaas oo ay ciidamadu burburiyeen.
Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidankeedu ay fashiliyeen miinooyin ay koxoda ku aastay waddooyinka, si ay ugu dhibaateeyaan shacabka, gaar ahaan kuwa safareyda ah.
“Howlgalka oo si taxadar leh loo fuliyay ayaa ka dhacay deegaannada Orgiyow, Barjala, iyo Caglibaax, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen. Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa burburiyay miinooyin halis ahaa oo Khawaarijtu ku aaseen deegaannadaas, kuwaas oo halis ku ahaa nolosha dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale ciidamada ayaa soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo qayb ka ahaa abaabulka ay muddooyinkan kooxda ka wadday halkaasi.
“Intaa waxaa dheer, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah xubnaha dhagarqabayaasha ah ee kooxda Khawaarijta, kaas oo door muhiim ah ku lahaa abaabulka falalka argagixisanimo ee ka dhaca Deegaanadaas” ayaa lasii raaciyay warka qoraalka ah.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa saaxiibada la ah ay ugu jiraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannadaasi.
Al-Shabaa ayaa si weyn ugu xooggan gobollada Jubooyinka, halkaas oo ay kasoo abaabusho weeraro culus oo ku qaado fariisimaha ciidamada Jubaland iyo kuwa Danab.


