Sawirro: CIRO oo kulankii u horreeyay la qaatay wasiirada cusub, farayna…

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu horreeyay, kaas oo shir-guddoominayey madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehlinaayey ku-xigeenkiisa, Maxamed Cali Aw Cabdi.

Shirkan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan xubnaha golaha wasiirrada cusub ee shalay la magacaabay, kuwaasi oo isugu jira wasiirro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiir ku xigeenno.

Isbarasho kadib, madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha buuggga xisbiga oo ka kooban lix cutub, taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa uu golihiisa xasuusiyey in shacabka Somaliland uga fadhiyaan in aay ugu shaqeeyaan daacadnimo iyo hufnaan.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.

Ugu dambeyntiina wuxuu madaxweynaha Somaliland si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo kamid ah gobolka Sanaag, wuxuuna madaxweynaha mar labaad ku celiyey baaq nabad-gelyo.