Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa ka dhacay afafka hore ee Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho xili boqolaal ruux ay ku sugnaayen maqaayado iyo goobo lagu shaaho oo ku dhagan Hoteelka.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday wiil dhalinyaro ah ka imaaday waddo yar oo dhawaan laga sameeyay dhinaca Hoteelka, waxa ayna xaqiijiyeen in Gaariga ismiidaaminta lagu fuliyay uu ahaa nooca raaxada oo loo yaqaan Kaarib.
Gaariga oo ka imaaday dhanka Degmada Waaberi, ayaa la sheegay in qasdiga wadaha uu ahaa inuu ku jaro Hoteelka, hayeeshee uusan gaarin halkii uu qorshihiisa ahaa.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in wadaha gaariga ee ismiidaaminta fuliyay ay da’diisa u dhexeysay 20 ilaa 28 sano jir, waxa ayna intaa ku dareen in wiil dhalinyaro ah uu goobta Qaraxa ku dajiyay ka hor inta aysan dhicin ismiidaaminta.
Ciidamada amaanka ayaa Qaraxa kadib goobta ku qabtay nin da’diisa lagu qiyaasay 30 ilaa 40 kaa oo looga shakiyay inuu hagaayay wadaha gaariga ee ismiidaaminta fuliyay.
Ismiidaaminta ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 11 ruux oo shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo tiradooda lagu sheegay 14 ruux oo ay ku jiraan ilaalada Wasiirka Kaluumeysiga.
Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad sugida oo qaraxa kadib gaaray Hotelka Wehliye ayaa gurmad u fidiyay dadkii waxyeelada uu kasoo gaaray qaraxa, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen dad la tuhmayo.
Waxa uu noqonayaa kii labaad ee maanta kaliya ka dhaca Muqdisho, waxaa saakay sidoo kale qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel ku dhaw warshada Nac naca oo ah xero ay degan yihiin ciidanka Milatariga Soomaaliya.