27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Sawirro: Daawo silaca Xasan ka abuuray waddada hor-marta Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Wadada hor marta madaxtooyada ayaa maristeeda waxay noqotay mid ay rafaad ku qabaan dadka isticmaala gaadiidka, kadib markii si qaab daran looga dhisay laamiga korkiisa shub looga talagalay in gaadiidka si degan u maraan.

Shubka laga dhisay wadada madaxtooyada ayaa waxay Soomaalida u taqaan “askari jiifa”, wuxuu kasoo bilaabanayaa Xaawo Taako ilaa Sayidkana iyo dhismaha baaarlamaanka ayuu xiriirsan yahay, waxaana loo dhisay qaab adag, cabashooyinka dadka markii ay kordheen ayaa dib loogu noqday, inkastoo hoos loo dhigay, hadana ma noqon sidii la rabay, gawaari badan ayaa awoodi waayay in ay maraan wadadaasi.

Dhismahaan lagu soo kordhiyay jidka madaxtooyada ayaa looga gol leeyahay in gaadiidka si degan u maraan, maadaama baabuurkii lagu qarxiyay hotel SYL ee kasoo horjeeda madaxtooyada uu si xowli ah ugu soo gudbay baro kontorool oo ciidamada fadhiyeen.

Xiligii dowladdii dhexe ee Kacaanka, waxaa jiray sidaan oo kale, in wadada lagu sameeyay waxa ay Soomaalida u taqaan askari jiifo, hase ahaatee dad yaqaana ay dhiseen, gaadiidkana ay si wanaagsan u mari jireen oo dhibaato aysan kala kulmi jirin sida kan hadda dhibaatada loogala kulmo.

wado-madaxtooyo-1wado-madaxtooyo-2wado-madaxtooyo-3wado-madaxtooyo-4

 

- Advertisement -

Read more

Local News