27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Sawirro: Dagaalka HirShabelle oo sii xoogeystay iyo Guudlaawe oo gaaray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda HirShabelle ayaa sii xoogeystay, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka, waxaana haatan socda abaabulkii ugu xoogganaa.

Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wax ka hoggaaminayo dagaalka socda ayaa haatan gaaray deegaaka Sumadaalle oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ee maleeshiyaadka Khawaarijta kula dagaalamaya Shabeellaha Dhexe.

Ujeedka ugu wayn ee booqashada Cali Guudlaawe ayaa salka ku haysa dardargelinta iyo abaabulka howlgalka dabar-goynta Al-Shabaab ee ka socda guud ahaan deegaannada maamulka HirShabelle, si looga hortago culeyska ay soo saartay argagixisada.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa deegaanka Sumadaalle kula kulmay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, iyada oo kulankaas lagu gorfeeyay sida ay suuragal ku tahay duullaan mid ah oo lagu qaado Khawaariijta, si looga saaro HirShabelle oo dhan.

“Waxaan ku kalsoonahay xeeladda iyo tababarka aad qabtaan. Khawaariij iyo Khawaarij kalkaal waan ka adkaaneynaa maalmaha soo socda haddii uu Alle idmo.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hirshabeelle, waxaa ka go’an in lagu wiiqo awood walba ay halkan isugu keentay Khawaarijta”

Waxaa kale oo uu  mahad-celiyay saraakiisha iyo horjoogayaasha xaq-u-dirirka deegaanka, isaga oo ku boggaadiyay halgankooda ku aadan la dagallaanka Shabaab.

Sumadaalle ayaa kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee laga faramaroojiyay argagixisada, waxaana jirtay in dhowaan laga hortegay weerar ay kusoo qaaday.

Xaaladda Shabeellaha Dhexe ayaa weli kacsan, waxaana ugu dambeysay maanta oo ay Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degmada Aadan Yabaal, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada huwanta.

Aadan Yabaal ayaa iyaduna kamid ah degmooyinkii horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, waxaana muddo sanad ka badan ay ku jirtaa gacanta dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News