Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ku eedeysnaa in uu fuliyay Qaraxii ka dhacay suuqa beerta ee Degmada Waaberi, 26-ki November 2016.
Dilkan toogashada ah oo ka dhacay Fagaaraha ku yaalla Iskool buluusiya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa ee Maxkamadda ciidamada qalabka Sida, Saraakiil Ciidan Ciidamada dilka fulinayay iyo xubno kale.
Sawiro la baahiyay ka hor inta aanu dilka dhicin ayaa muujinaaya in dhagar qabaha uu ahaa mid aan kala jecleen dilka lagu fulinaayo.
Dhagar qabaha ayaa ciidamada iyo mas’uuliyiinta dilka fulinaayay kula hadlaayay erayo sii xoojinaayay xagjirnimadiisa, waxa uuna ku qeylinaayay inuu ku dhimanaayo go’aankiisa.