28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Sawirro: David Concar oo amaanay Soomaalida UK ee dalka kusoo laabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Britian usoo dirsaday Soomaaliya, David Concar ayaa qurba joogta Soomaaliyeed ee haysta dhalashada UK ku amaanay kaalinta ay ka qaateen dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Hadalkaan ayuu ka sheegay David Concar kullan safaaradda Britian ee Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah qurba joogta Soomaalida ee UK, kuwaasi oo dalkooda dib ugu soo laabtay si ugu qeyb qaataan horumarada dhan walba leh ee ka socda Muqdisho.

David Concar ayaa sheegay in soo laabashada qurba joogta ay kaabeyso horumarka ka socda dalka, wuxuuna ku booriyay dadka kale ee awooda inay dalkooda kusoo laabtaan si ay ugu qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

David Concar ayaa dhawaan loo soo magacaabay safiirka UK ee arrimaha Soomaaliya, isagoo badalay safiirkii hore Harriet Mathews.

- Advertisement -

Read more

Local News