Waxaa maanta markii ugu horeeysay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa muddo 23 sano kadib waxa uu maanta qaadanayaa shaqaale cusub oo ku shaqeyn kara teknoloojiyadda cusub ee ay ku shaqeystaan bankiyada caalamka, iyadoo shaqalaaha cusub ee uu bankiga qaadanayo laga qaadayo imtixaan xagga aqoontooda ku saabsan.
Sarkaal u hadlay maanta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaadista imtixaankani lagu qaadanayo 10 qof oo kamid noqonaya shaqaalaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, ay ka dambeysay markii shaqaalihii hore ee bankigu lahaan jiray ay ka soo hareen shaqaale tiro yar oo aan wada dabooli karin howlaha baaxada weyn ee Bankiga laga sugayo mustaqbalka dhaw.
Imtixaanaadka laga qaaday Ardaydaan ayaa waxaa laga sugayaa jawaabo si looga dhex saaro 10 qofood oo ka shaqeyn doono bank Dhexe ee Wadankeena Somalia.