26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Sawirro: Dowladda oo daah-furtay mashruuc ay 805,000 qof ka faa’iideysanayaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka (SODMA) looga daahfuray wajiga afaraad ee mashruuc ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaan hal milyan oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed.

Mashruucan oo ah sugnaanta cunnada, ayaa waxaa loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu si weyn u saameysay. Wajigan cusub waxaa fulinaya xarunta King Salman ee samafalka iyo gargaar aadanaha (KSRelief).

Sidoo kale waxaa si toos ah u hirgelinaysa hay’adda Tadamun, iyadoo taageero ka helaysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qeybtan cusub ee mashruuca waxaa ka mid ah 5,085 tan oo raashin ah oo qiimahoodu dhan yahay $6.4 milyan, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideysan doona 805,020 qof oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya xaaladaha adag ee abaaraha iyo cunto yaraanta dalka ka jirta.

Ambassador Axmed Al-Muwallad, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya ayaa sheegay in Boqortooyadu mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa carabka ku adkeeyay sida Sacuudiga ay uga go’an tahay taageerada walaalaha Soomaaliyeed xilli kasta oo ay u baahdaan.

Agaasimaha Hay’adda Tadamun, Cabdiraxmaan Cabdirisaaq ayaa xusay in mashruucani yahay mid muhiimad gaar ah u leh bulshada tabaaleysan, isla markaana uu gacan ka geysan doono yareynta dhibaatooyinka cunno la’aanta iyo kor u qaadista taageerada dadka nugul.

Amb. Cabdalla Al-Utaybi, Safiirka Jaamacadda Carabta oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga dalalka Carabta iyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in gargaar noocan oo kale ahi uu xoojinayo wadajirka iyo walaaltinimada ka dhexeysa.

Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Amb. Maxamed Bamba ayaa dhankiisa mahad-celiyay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida taageeradan cuntadu si toos ah u taabaneyso nolosha dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallim ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay qorshaha qaranka ee wax ka qabashada masiibooyinka iyo abaaraha.

“Mashruucan waxa uu muujinaya sida SODMA uga go’an tahay la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada ah si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada iyo horumar waara,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ka mahad-celiyay taageerada balaaran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

- Advertisement -

Read more

Local News