27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Sawirro: DF oo isu keentay Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Masar iyo Kenya + Qorshaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray magaalada Kampala ee dalka Uganda, si uu uga qayb galo shir madaxeedka TCC, halkaas oo Soomaaliya ay kula shireyso wadamada ciidamada howlgalka cusub ee AUSSOM, doodo xasaasi ah oo ku saabsan wajiga xiga ATMIS ee AUSSOM ayaa halkaas ka socda.

Shirka dalalka ciidamada howlgalka cusub AUSSOM ee Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay isugu tageen madax kala meteleysa dalalka ciidamada ku soo darsaday howlgalkaas.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo xaaladda amni ee Soomaaliya ay cakiran tahay, deg degna loogu baahan yahay inay howlgalaan ciidamada cusub ee AUSSOM, sidoo kale waxaa jira caqabado badan oo dhaqaalaha howlgalkaan uu ugu horeeyo.

Shirkaan oo ay Soomaaliya ku matalayaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare iyo saraakiil kale, ayaa looga hadlayaa howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan oo shalay furmay ayaa ah mid heer farsamo ah, waxaana maanta loo gudbay heer wasiir.

Wasiirro iyo saraakiil ka kala socday dalalka ciidamadooda howlgalkaan ka qeybgelayaan ayaa soo xaadiray shirka, kuwaas oo kala ah: Uganda, Kenya, Masar, Itoobiya, iyo Jabuuti.

Sidoo kale waxaa shirka jooga madaxda Midowga Afrika, Yurub iyo Qaramada Midoobey.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray taageerada iyo garab istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa howlgalka AUSSOM.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in go’aanno muhiim ah laga soo saaro, saacadaha soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli dhaqaale u raadineysa howlgalka cusub, maadaama dhaqaalihii lagu wedi jiray howlgalka ATMIS uu go’ay, waxaana jira cagajiid badan oo caalamka ay kala kulmeyso Soomaaliya.

Ku dhowaad 20 sanadood ayey Soomaaliya taageero ka heleysay caalamka, iyadoo dalka ay joogeen ciidamo ajanebi ah, waxaana hadda bilaabanaya howlgakii sedaxaad oo magaciisa loo bixiyey AUSSOM.

- Advertisement -

Read more

Local News