Muqdisho (Caasimada Online) โ Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku dhibaateysnaa halkaasi.
Diyaarad sidday muwaadiniinta la soo celiyay ayaa Muqdisho keentay 151 qof oo dhalinyaro u badan, waxaana si weyn garoonka Aadan Cadde ugu soo dhoweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin; raโiisul wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wasaaradda arrimaha dibedda oo uu ka socday wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda.
Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhaweynta muwaadiniintan, masuuliyiin ka socota xafiiska ergeyga gaarka ah madaxweynaha ugu qaabilsan soo-celinta muhaajiriinta iyo xuquuqda caruurta, hay’adda qaxootiga iyo baracayaasha qaranka Soomaaliyeed, ergayga gaarka ah Midowga Yurub iyo hay’adda IOM oo dowladda ka gacan siisay soo celinta muwaadiniintaan.
Sidoo kale, 22 ka mid ah dadka maanta lagu soo celiyey dalka ayaa laga dejiyey magaalada Hargeysa, iyadoo 151 kalena laga soo dejiyey Muqdisho.
Dhallinyaradaan oo warbaahinta la hadlay ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan yihiin inay dalkooda Hooyo dib ugu soo laabtaan, iyagoo dowladda uga mahad-celiyey inay ka soo saartay xabsiyadii Libya ee dhibaatooyinka nololeed ay ku heysteen.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.
Horay sidaan oo kale ayaa dalka loogu soo celiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Liibiya oo kamid ah meelaha sida daran loogu dhibaateeyo Soomaalida.
Si kastana, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga war heyn doono dhalinyaradaan, illaa inta ay kala midoobayaan qoysaskooda.
Sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya kala shaqeeya soo celinta muwaadiniinta ku dhibaateysan dalalka shisheeye ay u fidin doonaan kaalmo dhaqaale oo dib ugu soo kabtaan.