Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka, gaar ahaan dhanka duulista hawada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid casri ah oo si buuxda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in mashruucan oo ay hirgelin doonto shirkad Soomaaliyeed uu muujinayo dib u kabashada dalka iyo awoodda shacabka Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay gacanna ku xoreeyaan deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, gacanta kalena lagu dhiso kaabeyaasha iyo bilicda dalka.
Madaxweynaha ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan mashruuca, cidda maal-gelineyso oo bixineysa lacagta ku baxeysa oo noqon karta balaayin dollar, iyo sidoo kale waqtiga uu qaadan doono dhismaha garoonka.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Mudane Maxamuud Aadan Geesood, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Cabdikariin Cabdow Xeydar iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan.
Garoonka cusub ee Caalamiga ah ee Muqdisho waa tallaabo weyn oo hore loogu qaaday casriyeynta kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana loo dhisayaa si marxalado ah oo uu ugu dambeyn u gaari karo adeegga 20 milyan oo rakaab ah sannadkii, sida aan horey xog ugu helnay, isagoo leh adeegyo heer caalami ah iyo fursado maalgelin oo soo jiidasho leh.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa hadda noqday mid aad u saxmad badan, ciriiri ah, ay adag tahay in la ballaariyo ama la casriyeeyo maadaama uusan haysan dhul ballaaran, islamarkaana ku yaalla meel ay adag tahay in la sugo amnigeeda.