Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa maanta diray farriin cad oo la xiriirta doorashooyinka tooska ah ee ka dhacaya maamulkaas, iyada oo haatan uu socdo loole ku aadan doorashada baarlamaanka iyo midda madaxtooyada.
Dadweyne aad u tiro badan ayaa galabta isugu soo baxay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, iyagoo muujiyay dareen farxadeed ioo wayn iyo taageero la xiriirta doorashada, waxayna soo dhaweeyeen musharraxa Xisbiga JSP ee Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Shuluq), kaas oo iska xaadiraya caasimada Galmudug.
Sidoo kale, Isu soo baxa oo u dhacay si nabad ah ayaa ka tarjumaya rajada iyo ka qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay hadda Dowladda Federaalka ka qaybaneyso maamul-goboleedyada.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminayay madaxdii kala duwaneyd ee soo dhaweysay musharaxa ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Galmudug ee ka kala yimid degmooyin iyo deegaanno kala duwan doorka ay ku leeyihiin taageerada Ururka JSP iyo sida ay garab ugu taagan yihiin.
Dhankiisa Xoghayaha Guud ee JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, oo madasha soo dhaweynta ka hadlay, ayaa bogaadiyay sida shacabka Galmudug ugu diyaar garoobeen doorashada dadweynaha ee dhawaan dhici doonta, isaga oo ka codsaday inay codkooda ku aaminaan musharaxa Xisbiga JSP.
Musharaxa hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo soo dhaweynta kaddib si toos ah ula hadlay dadweynihii iyo madaxdii soo dhaweysay, ayaa uga mahadceliyay socdaalka dheer ee ay u soo galeen taageerada ururka.
Musharrax Liibaan ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex qodob oo uu mudnaan siin doono haddii uu xilka ku guuleysto, kuwaas oo kala ah:- adkeynta amniga, dib u heshiisiinta bulshada Galmudug, iyo inuu lix bilood gudahood Galmudug kaga xoreyn doono Khawaarijta ku sugan qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug.
Doorashada Galmudug oo ah mid xasaasi ahaa waxaa ka qayb-galaya illaa 35 Xisbi, kuwaas oo haatan olole xooggan ka wada magaalooyinka maamulkaas.


