Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon Fahad Yaasiin oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.
Fahad oo hadda ku magacaaban la-taliyaha amniga Qaranka ayaa galabta gaaray magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo berri ay ka dhaceyso doorashada lix kursi.
“Gudiga Maamulka Doorashada Dowlada HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay dhamaan Murushixiintii u Tartamaysay kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada HirShabeelle.
Musharixiinta shahaadada lala gudoonsiiyey Fahad Yaasiin ayaa u kala tartamaya kuraasta kala ah: HOP#008, HOP#015, HOP#074, HOP#086, HOP#109, HOP#274.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay, kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.