26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Sawirro: Farmaajo oo Abiy la kulmay ugana mahad celiyey taageeradi uu siiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Addis Aababa.

Kulanka labada Hoggaamiye ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca dhaqaalaha,amaanka,wada shaqeynta iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee labada waddan.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in qodobada ay ka wada hadleen ay ka mid tahay sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay labada hoggaamiye ku galeen Muqdisho iyo Baxardaar.

Sidoo kale labada Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca nabadda ee Gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Ra’isalwasaaraha Itoobiya uga mahad celiyay taageerada dhinaca amaanka ah ee dowladda Itoobiya siiso Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News