Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS, Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin dhowr ah ayaa habeenimadii xalay magaalada Kismaayo kula shaahay sodomeeyo dhalinyaro ah.
Madaxweynaha ayaa ka shaaheeyay maqaaxi ku taala bartamaha magaaladaasi oo ay ku sugnaayen dhalinyaro afurka kadib ku nasanaayay maqaayada.
Madaxweynaha ayaa si kedis ahayd ku tagey maqaaxidan, xilli ay ku caweynayen qaar ka mid ah dhalinta deegaanka.
Farmaajo, ayaa waqti la qaatay dhalinyaradaasi oo uu ka wareystay xaaladooda iyo midda dalkaba, iyadoona uu ka dhageystay tallooyin ku aadan arrimaha dalka.
Waxa uu dhalintaasi ku bogaadiyay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.