Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada Amaanka maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay Askar ka tirsaneyn ciidamada Jubbaland oo la sheegay inay ka garab dagaalamayeen Ciidamada Puntland.
Askartaani lagu soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu qabtay furumah dagaalka xili ay xabadaha ku ridayeen ciidamada Galmudug.
Mid kamid ah Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in dagaalka ka socda Gaalkacyo ay qeyb ka yihiin ciidamada Jubbaland kuwaasi oo garab u ah Puntland.
Sargaalkaani ayaa sheegay in Maxaabiistaani ay qirteen inay kamid ahaayen ciidamo dhowr ah oo magaalada Gaalkacyo loo keenay inay la dagaalamaan Galmudug.
Mid kamid ah Maxaabiistaani ayaa waxaa ku yaalla dhaawac la sheegay inuu kasoo gaaray dagaalka.