Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya maanta shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay laba heshiis oo lala soo galay dowladaha Uganda iyo Qatar oo kamid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya.
Heshiiska koowaad oo lala galay Uganda ayaa ah is-afgarad ku saabsan iskaashiga socdaalka, kaas oo ay si buuxda u meel-mariyeen xubnaha Golaha Wasiirrada.
Sidoo kale, Golaha ayaa isla maanta shirkooda ku ansixiyay heshiis kale oo lala soo galay dowladda Qatar, kaas oo isna ah is-afgarad saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.
Horay labadaan dowladood ayaa heshiisyo is-afgarad ah oo la geeyay isla golaha wasiirrada lala galay horraantii bishii October ee sanadkan, kuwaas kala ahaa;=
Heshiis is-afgarad oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsanaa Waxbarashada iyo Heshiis is-afgarad oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsanaa Tacliinta Sare.
Waxaa kale oo ay maanta Golaha Wasiiradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeeen Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 oo ay usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
Inta uu socday shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabka-sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo heshiisyada la galay ay kusoo aadeen, iyada oo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac loola soo galy dalal waawayn oo kamid ah waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.


