Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo hehsiis muhiim u ah dalka oo lala soo galay dalka Rwanda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey;
1. Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal.
2. Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, oo ilaalinaya xuquuqda haweenka, loogana hortagayo tacaddiyada loo geysto.
3. Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta ka qeybgalka haweenka ee hormarka dalka.
4. Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto wadammada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada.
5.Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha
Sidoo kale shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira ammaanka guud ee dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed iyo Arrimaha Abaaraha.
Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shirks goobjoog ayaa ayaa golaha u soo bandhigay warbixin la xiriirta dadaallada gurmadka ee socda iyo qorshaha looga jawaabayo wax ka qabashada abaaraha , iyada oo dad dhan 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray hey’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrintan in ay si deg-deg ah uga jawaabaan oo gurmad lala gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.


