Sawirro: Guddoomiye Aadan Madobe oo amar culus siiyey saaraakiisha ammaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha madaxweynaha dalka, ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka dalka, gaar ahaan kan Muqdisho.

Shirka oo ka dhacay xafiiska ku simaha madaxweynaha dalka ayaa waxaa ka qayb-galay dhammaan saraakiisha ammaanka ee dalka, sida taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, taliyeyaasha qaybta ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda ee qaabilsan gobolka Banaadir.

Intii uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay adkeynta amniga iyo  u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda oo nagu soo fool leh todobaadka soo socda.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray ka shaqeynta amniga maalmaha xorriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen si nabad ah.

Sidoo kale ku simaha madaxweynaha, Sheekh Aadan Madoobe ayaa amray saraakiisha ammaanka inay muujiyaan feejig naan dheeri ah inta lagu jiro maalmaha xorriyadda.

Dhankooda saarkiisha ayaa u mahadceliyey guddoomiyaha, waxayna ballan-qaadeen inay sii laba jibaari doonaan howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda gudaha caasimada.

Xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo ayaa foooda innagu soo hayo, waxaana loo xilsaaray guddi ka shaqeynaya, qaban qaabada xuska maalmahaasi.

Si kastaba, magaalada Muqdisho iyo guud aaan dalka ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garow ku aadan maalmaha xorriyadda oo ay muujinayaan shacabka Soomaaliyeed.