28.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

Sawirro: Hargeysa oo laga hirgeliyay kaamirooyinka CCTV kadib markii ay ka dhaceen…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa laga hirgeliyay kamaradaha amniga, kuwaas oo dhowaan xireen ciidanka booliska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta booqday xarunta laga hago kamaradaha amniga caasimadda. Kamaradahan ayaa waxaa lagu xidhay faras magaaalaha Hargeysa, waxaana la filayaa inay wax weyn ka tari doonaan dhinaca ammaanka sida tuugada, shilalka, dilalka iyo guud ahaanba kor u qaadista ammaanka caasimadda Somaliland.

Intii uu ku jiray kormeerka Madaxweyne Cirro, Taliyaha Booliska Somaliland ayaa si toos ah u tusay hawlaha shaqo ee ay qabanayaan kamaradaha lagu rakibay waddooyinka caasimadda Somaliland xilli la xusayey sannad guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka booliska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ka qayb-galay xuska sannad-guurada 32-aad ee aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, taas oo lagu qabtay hoolka weyn ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyey khudbad isugu jirtay mahad-naq, dhiirrigelin iyo guubaabo, isaga oo ciidanka booliska si weyn ugu ammaanay shaqada culus ee bulshada u hayaan iyo doorka taariikhiga ah ee boolisku ku leeyahay ilaalinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo kala dambaynta bulshada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska ku bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ciidanka boolisku ay ku tallaabsadeen muddada kooban ee ay xukuumaddu jirtay.

Sidoo kale waxa uu xusay in Ciidanka booliska uu yahay saldhigga nabadda ay Somaliland ku fadhino, ku seexato, kuna soo toosno, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ciidanka boolisku uu yahay laf-dhabarta dowladnimada iyo astaan muujisa adkaysiga iyo midnimada Qaranka.

“Xukuumadda waxaa ka go’an tayeynta iyo casriyeynta ciidanka booliska JSL si ay ula jaan-qaadaan baahiyaha amni iyo kuwo bulsho ee sida joogtada ah isu bedelaya, si ay awood buuxda ugu yeeshaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ilaalinta sharciga, nabadda iyo hantida shacabka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaas kusii daray “Ciidanka booliska waxaa ku boorinayaa in ay sii wadaan hawlkarnimada, daacadnimada iyo wadaniyadda ay ugu adeegayeen qarankooda muddo 32 sano ah. Waxaana shacabka nabadda jecel ee Somaliland ugu baaqayaa in ay garab istaagaan lana shaqeeyaan ciidankooda booliska.”

- Advertisement -

Read more

Local News