26 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Sawirro: Hayat Market oo ku guuleysatay abaalmarinta East Africa Somali Awards

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa Hayat Market ayaa ku guuleystay abaalmarinta Super Market-ka ugu fiicnaa sanadkii 2024 ee ganacsiyada Soomaalidu ku leeyihiin sideeda wadan ee ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo kala ah: Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Soomaaliya, Tanzania, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan iyo Uganda.

Abaalmarintan East Africa Somali Awards ee la siiyey Hayat Market, oo sanadkiiba mar la bixiyo, ayaa waxaa soo qabanqaabisay Somali Magazine, waxaana masuul ka socday suuqan lagu guddoonsiiyey munaasabad weyn oo xalay ka dhacday magaalada Nairobi, taasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ganacsato iyo qeybaha kale ee bulshada.

“Haddii aan nahay Hayat Market, waxaan aad ugu faraxsan nahay guul weyn oo noo ah in bulshada Soomaaliyeed ay noo gartaan inaan nahay Super Market-ka ugu adeegga wanaagsan Soomaalida ee ku yaalla sideeda wadan ee ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waxaan ballanqaadaynaa inaan sii xoojino adeegga ay codkooda nagu siiyeen bulshada Soomaaliyeed, oo sidoo kale aan uga mahadcelinayno taageerada ay na siiyeen,” ayuu yiri masuul u hadlay Hayat Market.

Waxaa sidoo kale munaasabadan abaalmarino lagu guddoonsiiyey shaqsiyaad metelayey hey’ado ganacsi oo kala duwan, xarumo isugu jira kuwo waxbarasho, caafimaad, cilmi-baaris, shirkado bixiya adeegyo kala geddisan, iyo shaqsiyaad kaalimo kala duwan kaga jira bulshada Soomaalida ee Geeska Afrika.

Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed, safiirrada Soomaaliya u jooga dalalka Kenya iyo Uganda Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Fardowsa Maxamed Qanyare, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo ay ka mid yihiin Faarax Macallin iyo Maxamed Caddow, iyo waliba xubno kale ayaa munaasabadan ka qeyb galay.

Masuuliyiintan oo lagu maamuusay bixinta abaalmarinnada la guddoonsiiyey ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Bariga Afrika ku amaanay horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen iyo sida mar walba heegan ugu yihiin inay u adeegaan bulshooyinka Geeska Afrika. Waxay u hambalyeeyeen dhammaan guuleystayaashii abaalmarinnada la guddoonsiiyey iyo dhiirrigelinta ay u sameysay East Africa Somali Awards.

Suuqa Hayat Market, oo ah super market-ka ugu weyn Soomaaliya oo laga heli karo adeeg kasta oo nolosha taabanaya, ayaa xaruntiisii ugu horreysay laga daahfuray magaalada Muqdisho 22-kii Abriil sanadkii 2020. Shantii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku tallaabsaday horumar baaxad leh oo keenay in xarumaha suuqan la gaarsiiyo ilaa shan qeybood oo magaalada ku baahsan, iyadoo masuuliyiinta Hayat Market ay sheegeen inay mustaqbalka dhow qorsheynayaan inay xarumo cusub ka furaan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News