Waxaa Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Somalida Dagto ee islii maalmihii la soo dhaafay hadal haynta ugu badan ay tahay Howlaha safaarada Soomaalida ee Kenya oo laga dareemayo maalmihii la soo dhaafay dardar Xoogan, waxaana ka muuqato marka aad tagto safaarada shaqaalihii Safaarada iyo Madaxda safaarada oo is badal xogan lagu sameeyay.
Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa laban laabmay dadka Soomaalida kuwaas oo ka goosanaya Pasaporo kuwaas oo isku dayaya in ay ka baxaan dalka Kenya am helaya Dacwooyin dhinaca dibada ah, Caafimaad, iyo kuwa sharciga lagu joogo dalka Kenya ku goosanaya.
Safaarada Soomaaliya ee Kenya waxaa booqday maalmo ka hor, waxaana halkaas kula kulmay Soomaali badan oo ku sugana safaarada una badan haween kuwaas oo amaan u soo Jeediyay howlaha safaarada iyo shaqada ay wadaan madaxda safarada somaliya ee Kenya.
Waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii halkaas aan kula kulmay Safiir ku- xigeenka safaarada soomaaliya ee Kenya Danjire Aways amiin sheikh, xili uu safiirka soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan uu shaqo howleed uga maqnaa safaarada.
Safiir ku- xigeenka safaarada soomaaliya ee Kenya Danjire Aways ayaa waxa uu iga waramay xaalada safaarada iyo is badalka Muuqda oo uu sheegay in ay ku soo kordhiyeen safaarada.
“Tan iyo wixii ka danbeeyay July 26, 2018 oo safaarada Somaliya ee Kenya loo soo magacaabay Danjire Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo aan aniga ka md ahay, waxaan isku daynay in badan in safaarada aan horay u wadno shaqada safaarada, haday ahaan lahayd adeegyada bulshada ay safaarada u qabato, bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, gaar ahaan Qaadshada Pasaporka Somaliga oo ay ku qaataan xiligii loo qabto” iyo howlo ay ka mid yihiin Dacwooyinka Somalida ee Cadaynta qofka muwaadinimadiisa, Visoyinka Dal ku galka ah ee ajnabiga Dalkeena aado iyo arimo kale ayuu yiri Safiir ku- xigeenka safaarada soomaaliya ee Kenya Aways amiin sheikh.
Danjire Aways amiin sheikh ayaa sheegay in Somalida dagan Kenya gaar ahaan kuwa Dagan xaafada islii ay si toos ah uga war qabaan marka ay timaado xaaladaha kala duwan ee Kenya gaar ahaan, u doodista Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed, Marka ay timaado in Muwaadinka Somaliyeed Garoonka Joma Kenyata lagu qash qasho iyo wax la mid ah.
“ Somalida Dagan Kenya gaar ahaan xaafada islii, Xiriir toos ah ayaan leenahay haday ahaan lahayd Ganacsatada iyo Bulshada kale, si aan ula socono xaaladahooda”ayuu yiri mar kale Danire aways amiin sherekh Safiir ku-xigeenka Safaarada ahna Qunsulka 1- ee Safaarada oo iigu Waramayay xafiiskiisa.
Sidoo kale Danjire Aways ayaa maalmo ka hor waxa uu ku booqday Xafiiskiisa Safiir ku-xigeenka Safaarada Turkiga ee Kenya Danjire mahout burak essay.
Danjire aways ayaa sheegay in safiir ku-xigeenka Safaarada Turkiga ee Kenya ay ka wada hadleen xaalada Somaliya iyo Turkiga, maadaama xiligan Turkiga uu yahay saaxibka kowad ee Somaliya, waxa una sheegay in ay sidoo kale ka wada hadleen Xoojinta xiriirka laba dal ee Turkiga iyo Somaliya.
Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Ambasaddor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaqo ku maqnaa xiligii aan booqday safaarada, waxaana warbixino kala duwan idiinkaga soo gudbin doonaa xaalada safaarada Somaliya ee Kenya iyo sida ay u arkaan bulshada Soomaaliyeed ee ku Nool Kenya adeegyada kala duwan oo ay u qabato safaarada Soomaaliya ee Kenya.
Abdihakim Elmi Hassan
[email protected]
Tell-0711830393