Sawirro: Imaaraadka Carabta oo ballan-qaad cusub u sameeyey Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo la xiriira gurmadka abaaraha, si loo samata bixiyo malaayiinta qof ee ay abaaruhu saameeyeen.

Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo maanta kulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xukuumadda Abu Dhabi ay ka go’an tahay garab istaagga dadka Soomaaliyeed.

Amb. Al Hammadi ayaa intaas kaddib ergeyga u ballan-qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo sii amba qaadio howlaha caawinaada ah ee loogu gurmanayo dadka tabaaleysan.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa uga mahadceliyay Safiirka dalka Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.

Kulankan ayaa qayb ka noqonayo dadaallada xoogan ee uu wado ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, si wax looga qabto xaaladaha bani’aadanimo ee haaran ka jira koonfurta iyo bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Ergeyga ayaa horey sidaan oo kale u qaabilay safiirada dalalka Sacuudiga iyo Qatar, wuxuuna kala hadlay shaqadiisa cusub iyo gurmadka socda ee abaaraha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabtay abaaro ba’an oo saameyn daran ku yeeshay dadka iyo duunyada, taas oo haatan ka jirta qaybo ka badan oo ka mid ah waddanka.