27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Sawirro: Is-beddelka wadooyinka Muqdisho kadib guushii Farmaajo

Bookmark
Bookmarked

Share

Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo habeenkii la doortay kadib amar ku bixiyay in la furo wadooyinka Muqdisho ee xiran, iyadoo amarkaasi uu noqday mid si rasmi ah u dhaqan gelin, inkastoo wadooyinka qaar la furay kuwaasoo dhanka amniga loo xiray.

Wadada hormarta dekadda weyn ee Muqdisho oo gebi ahaanba laga mamnuucay mooto bajaajta ama dhugdhugleeyda ayaa loo ogolaaday in ay maraan, halkii markii hore ay ka leexan jireen wadada aada buuntooyinka Afisyooni, waxaana arintaan soo dhoweeyay wadayaasha dhugdhugleeyda iyo dadka shacabka oo jiirooyin dhaadheer geli jiray.
Laakiin waxaa xaalad cakirnaan ah ay ka taagan tahay wadada ka tagta KM4 ee gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, taasoo gebi ahaanba la xiray, lana gooyay, wadadaasi ayaa waxaa loo ogol yahay mas’uuliyiinta dowladda, shaqaalaha garoonka iyo cidii la waji aqoonsado ee wadada ku mara waji aqoonsi ama inay shaxaad bixiyaan.

Dadka ka dhoofaya garoonka ayaa dhibaatada ugu badan qaba, kuwaasi oo suuragal ah in ay ka dib dhacaan xiliga duulimaadkooda, halka dadka qaar ay raacaan basaska shirkadda sahal ee 11-ka dollar macna darada ugu qaada shacabka raaca basaskooda, asal ahaana qorshaha xayiraada lagu saaray shacabka keentay.

Ra’iisul wasaare Farmaajo oo ogsoon xaalada shacabka iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wadooyinka xiran, ma ogsoon yahay in ay xiran tahay wadada loo aado hotelka Jazeera ee uu degan yahay iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, mase la socoyaa in lagu dhibo shacabka?.

Haddii uu madaxweynaha ogaal ku yahay xayiraada saaran wadadaasi sow ma ballan qaadin in aan jiri doonin wado la iska xiranaayo. madaxweynaha waxay shacabka ka sugayaan in gebi ahaanba wadooyinka xiran amarkiisa ku furmaan.

- Advertisement -

Read more

Local News