25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro iyo Video: Daawo sida caalamiga ah ee loo tababarayo ciidamada dowlada Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ayaa tababar loogu soo xeray xerada Jaziira ee ku taal duleedka Muqdisho.

Ciidamadan ayaa dhameystay tababar mudo Seddax bil socday oo lagu baranayay fulinta howlgalada qorsheysan, dib u gurashada iyo ka hortaga weerarada argagixisonimo ee gudaha magaalooyinka, waxaana tababarkan bixinayay Saraakiisha Militariga Midowga Yurub.

Ka hor inta aan la siin shahaadooyinka xirfada ay barteen ayaa waxay dhoolotus kusoo bandhigeen xerada Jaziira.
Taliyaha tababarada Midowga Yurub ee Somalia General Antonio Maggi, General C/qaadir Macalin Bacbacle oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia iyo Taliyaha Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah Amisom Brigadier Sam Kavuma ayaa shahaadooyinka xirfada ay barteen guddoon siiyay ciidamadan.

General Antonio Maggi, ayaa Ciidamada Militariga Somaliya ku ammaanay in tababarka ay si wanaagsan u qaateen, saddexdii bilood ee ay ku qaadanayen Xerada Jazeera.

Midowga Yurub, ayaa Dowladda Somalia ka taageera dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

taba 1taba  2taba 3taba 4taba 5taba 6

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News