Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka Somalia, ayaa xalay u dabaal degay xil ka qaadistii xildhibaanada ay ku sameeyeen ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Xaflad casho sharaf oo uu soo qaban qaabiyey Jawaari, ayaa waxaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheeikh kala qeyb galay xildhibaanadii mooshinka ka keenay kadibna riday Saacid.
Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ku celceliyay mahnaq uu u jeedinaayo baarlamaanka go’aanka ay qaateen, wuxuu caddeeyay intii ay socotay codka kalsooni kala noqoshada raysal wasaare Saacid in uu walwalsanaa sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha ayaa amaanay go’aanka uu qaatay raysal wasaarihii horre oo oggolaaday natiijada ka soo baxday codka ay u qaadeen xildhibaannada baarlamaanka.
Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd xidhibaannadii doonayay in la rido raysal wasaare Saacid ayaa madaxweynaha ka codsatay in uu soo dedejiyo magacaabista raysal wasaaraha cusub.
Waxa ay sheegtay in hadda talada ay u taallo madaxweynaha, waxaana ay ku tartarsiisay inta xildhibaannada aysan fasax aadin in uu magacaabo raysal wasaaraha.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulanka ka hadlay ayaa ammaanay kaalinta uu qaatay baarlamaanka ee lagu riday Saacid.
Wuxuu ku tilmaamay qaabkaas mid caddaalad ah oo ay dadka ku qanceen sida loo soo tabiyay sida uu hadalka u dhigay.
Kulanka xaley laguma casuumin raysal wasaarihii horre Saacid iyo xildhibaannadii taageersanaa.
Xafladda Jawaari uu u sameeyey xildhibaanada, ayaa sidoo kale caddeysay inuu wax ka ogaa shirqoolkii lagu ceyriyey Saacid, oo iminka ogaaday in dhinacyo badan ay u tashteen.
Xafiiska Wararka Muqdisho