Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada ee Jubbaland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Marxuum Aadan Ibraahim Axmed Macoow oo ahaa askari ka tirsan ilaalada madaxtooyada maamulkaas, kaas oo horay u dilay askari kale.
Marxuumka ayaa lagu oofiyay xukunka qisaasta Allaha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cumar Shariif oo ay ka wadan tirsanaa ciidamada Jubbaland,
“Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta xukunkan dil ah ku fulisay dable Aadan Ibraahim Axmed Macoow, kaasoo ka tirsanaa ciidamada madaxtooyada Dowladda Jubbaland. Waxa uu horey u dilay Allaha u naxariistee Cabdifataax Cumar Shariif, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada Jubbaland” ayay tiri Jubbaland oo faahfaahisay dilka.
Dilka uu horay u gaystay askariga maanta la toogtay ayaa ka dhashay muran soo kala dhex-galay lisaga iyo marxuumka, iyadoo kadib ay sidaas kiiska kula wareegtay maxkamadda ciidamada ee maamul-goboleedka Jubbaland.
“Muran soo kala dhexgalay labada askari, oo ku billowday kabo ciidan oo ay isku qabsadeen, ayaa ugu dambeyn sababay in mindi uu watay Aadan Ibraahim Axmed Macoow uu ku dilo saaxiibkiisii oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada, Cabdifataax Cumar Shariif, 24-6-2025” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.
Sidoo kae, baaris dheer kadib, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo saddex jeer kiiska u fariisatay ayaa ugu dambeyn ku xukuntay dil toogasho ah Aadan Ibraahim Axmed Macoow, taas oo ah qisaasta marxuum Cabdifataax Cumar.
Ugu dambeyntii, maanta ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah Aadan Ibraahim Macoow, iyadoo maxkamadda ciidamada, iyada oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiinta maxkamadda, ehellada marxuumka iyo dadweyne kale.
Jubbaland ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa A-Shabaab oo lagu helay fal-dambiyeedyo ka dhacay maamulkaasi.


