Garoowe (Caasimada Online) – Weerar Ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, gaar ahaan bar kontorool oo Ciidamada Booliska ay gawaarida ku baaraan.
Ismiidaaminta ayaa dhacday xilli ciidamada amaanka ay ku guda jireen baaritaanada gaadiidka isticmaalayay bartaasi koontarool.
Ruuxa ismiidaamiyay oo watay Gaari ayaa la sheegay inuu xirnaa jaakadda ka samaysan walxaha qarxa waxa uuna beegsaday askarta.
Hay’adaha amaanka maamulka ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen ilaa 5 qof oo uu ku jiro ruuxii naftii haliga ah ee weerarka fuliyay.
Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 11 qof oo qaarkood xaaladoodu halis tahay.
Kontoroolka la weeraray, ayaa ku dhow Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.