Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xooggan islamarkaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Dhawaqa qaraxan ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana gaariga la socday ruux naftii halige ah.
Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxa, halka 16 ruux oo goobta ku sugnaa uu soo gaaray dhaawaca culus.
Dhaawacyada ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laahi Xasan oo xiliga Qaraxa ku sugnaa xarunta.
Sidoo kale dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin Xoghayaha degmadaasi, Guddoomiyaha ururka Haweenka degmada, Madaxa Ciyaaraha degmada Wadajir Catoosh iyo xubno kale.
Dad goobta ku sugnaa ayaa sheegaya in qaraxa uu saameeyay dhismayaal ka ag dhow xarunta degmada, waxaana jugta qaraxa ay aheyd mid magaalada oo dhan laga maqlay.
Qaraxa ayaa sidoo kale dhulka dhigay dhammaan dhismaha xarunta oo gebi ahaanba bur burtay waxaana la sheegayaa in laga soo saarayo meydadka ku soo hoos jira.


