27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sawirro: Kheyre oo ku faanay in xili hore uu ka mid ahaa Booliska (Halkuu ka soo shaqeeyay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Khayre, ayaa maanta booqday xarunta Taliska ciidanka Booliska Somaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha ayaa halkaa kulan kula qaatay qaar kamid ah Saraakiisha ciidamada Booliska, waxaana wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka mid ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa Saraakiisha kala hadlay xaaladaha amni ee maagalada Muqdisho iyo Habsami u socodka shaqooyinkooda.

Intaa kadib Ra’isul wasaaraha ayaa warbixin kooban ka dhageystay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyeed General C/xakiin Daahir Saciid ”Saacid”.

Taliye Saacid ayaa sheegay inay wadaan diyaarinta qorshooyin fog oo looga hortagaayo amni darida iyo habacsanaanta dhanka amniga ee ka jirta xarumaha Booliska.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Khayre ayaa Saraakiisha u sheegay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Booliska Somaliyed.

Kheyre waxa uu tilmaamay inuu ka hawlgali jiray Saldhiga Degmada Hodan, isaga oo sheegay Booliska inuu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dadka.

Kheyre waxa uu sheegay in xilalka dalka ay muhiim tahay in qofka loo dhiibaayo uu wax un ka yaqaan ciidanimada, waxa uuna ballanqaaday inuu waxbadan ka bedeli doono xaalada ay ku shaqeynayaan Booliska.

- Advertisement -

Read more

Local News