Muqdisho (Caasimada Online ) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ay kamid ahaayen Danjiraha Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Somalia
Maxamed Cumar Carte iyo Danjiraha ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amaanka, Hormarka iyo Hanaanka Siyaasadeed ee DF Somalia iyo Shiinaha.
ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Somalia, ayaa danjiraha uga warbixiyay heerka shaqo ee Xafiisyada Dowlada iyo habsani u socodka ay Xukuumada cusub damacsan tahay inay dalka Somalia ku dhaqaajiso, waxa uuna ka codsaday in Dowlada Shiinaha ay sii laba jibaarto xiriirka kala dhexeeya Somalia, si meesha looga saaro dabacsanida ay iminka ku shaqeyneyso Dowlada.
Danjiraha ayaa dhankiisa ka hadleen Ka qayb qaadashada dib u dhiska dalka, gaar ahaan dayactir lagu samaynayo Xarumihii China ay horey uga dhistay dalka.
Sidoo kale, Safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka In dowlada Somalia diyaariso baahiyaheeda, si gudi Dowladda China u soo dirayso dhawaan ay qiimayn ugu sameeyaan.
Dhanka kale, China ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, sidoo kalena caawimaad kala duwan siiya waaxyaha Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

