25.7 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Sawirro: Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu baxay Addis Ababa + Qorshaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maanta safar shaqo oo rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya.

Madaxweyne Cirro ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay shaacisay Madaxtooyadda Somaliland.

Safarkan ayey Madaxtooyaddu sheegtay inuu xambaarsan ujeeddooyin diblomaasiyadeed oo miisaan leh, kaasi oo lagu xoojinayo xidhiidhka taariikhiga ah, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo danaha muhiimka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha isu-socodka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ugu safray diyaarad khaas ah, sida ay muujinayaan sawirro ay baahisay Madaxtooyadda Somaliland.

Inta Cirro uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, waxa uu kulamo heer sare ah la yeelan doonaa madaxda ugu sarraysa dalka Itoobiya.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga labada dal, kor u qaadidda ganacsiga iyo isu-socodka labada dal, iyo sidoo kale ka wada-shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Cirro waxa safarkiisa ku wehelinaya wafdi ay ka mid yihiin: Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Madaxtooyada, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Maalgashiga, Taliyaha Ciidanka iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Somaliland.

“Safarkan ayaa waxa uu muujinayaa muuqaalka cusub ee diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo sida ay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro ugu dedaalayso in ay kor u qaaddo sumcadda, madax-bannaanida dhuleed iyo diblomaasiyadeed iyo kaalin muhiimka ee Somaliland ku leedahay mandaqadda Geeska Afrika iyo caalamka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa hore u galay heshiis is-afgarad oo badda ah, kaasi oo xiisad xooggan ka dhex abuuray Muqdisho iyo Addis Ababa, taas ok markii dambe ay madaxda labada dal ka gaareen isfaham, si meesha looga saaro mad-madowga xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba, ma cadda in mar kale dib boodhka looga jafayo is-afgaradkii buray, iyadoo xalay warbaahinta Itoobiya tebisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu taageeray in Itoobiya gaadho Badda Cas.

Taageerada ay sheegtay wakaaladda wararka ee Itoobiya inuu Madaxweynaha u muujiyay damaca soo gaarista badda, ayaa waxaa ku lamaan “madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya”. Taas ayaa loo fasiray in Soomaaliya ay dooneyso in Itoobiya ay u fasaxdo isticmaalka mid kamid ah dekedaheeda, una madax-banaaneyso, iyadoo meesha laga saarayo “qaadasho” oo ah sida ay ku taameyso Addis Ababa.

Dowladda Itoobiya ayaa marba marka ka dambeysay sii xoojineysay isku deyga ay ku dooneyso inay ku gaarto biyaha Badda Cas, waxayna dadaal badan gelisay sidii ay u dhisi laheyd ciidamo bad, oo ay leedahay.

- Advertisement -

Read more

Local News