Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey farriin ka timid William Ruto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Kenya u fadhin doona Soomaaliya, Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Danjire Thomas ayaa madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhigiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen.

Sidooo kale waxa uu ballan-qaaday danjire Thomas in uu ka shaqeyn doono horumarinta iyo iskaashiga labada dal, xili ay dowladda Xasan Sheekh dib u hagaajisay xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyadda ay dowladdiisu siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taasi oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aadan xoojinta amniga, xasiloonida iyo la-dagaalanka argagixisada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sanadihii ugu dambeeyey ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee Xasan Sheekh ayaa markii la doortay kadib tegay Nairobi, halkaasi oo heshiis uu kula saxiixday Uhuru Kenyatta.

Heshiiskaas ayey Soomaaliya dib ugu soo celisay qaadkii Kenya ee uu Farmaajo xanibay, halka la sheegay in Soomaaliya ay Kenya u dhoofin doonto Kalluun taasi oo aan weli dhicin.