26 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta ka degay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaasi waxa uu kula kulmi doona dhiggiisa, Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale waxay labada madaxweyne si gaar ah diirada u saari doonaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa mid aan la shaacin, iyada oo madaxeynaha dhawaan ku baaqay gogol wadatashi, taas oo qeyb ka noqonayaan hoggaanka maamullada dalka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.





- Advertisement -

Read more

Local News