Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda dalka Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeyb-galaya munaasabad lagu xusuusanayo dadaalkii dowladda Jabuuti ee qabashada shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaalida iyo dib u yagleelidda Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee shirkii nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuusay madaxda qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daah-furka xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh Nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo dalka Jabuuti waxa uu kulamo la yeelandoona madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo khudbad ku saabsan guulaha mira-dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib u heshiisiinta Carta ku soo bandhigi doona munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.
Horey waxaa dalka Jabuuti ugu sugnaa madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada rayidka, kuwaas oo labadii maalmood ee u dambeeyay halkaasi kusii qul-qulayay.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ah mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadan oo uu marti-galiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa isna maanta gaaray magaalada Jabuuti, iyadoo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Si kastaba, munaasabadda xuska 25 sano guuradii shirkii Carta ayaa waxaa lagu soo bandhigi doona taariikhda shirkaasi iyo guulaha laga gaarey dowladnimada Soomaaliya.






