25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Mareykanka oo agab ciidan soo gaarsiiyay DF Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay agab ciidan oo casri ah.

Qalabkan ayaa loogu talagalay in uu gacan ka geysto kor u qaadista awoodda dagaal ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, si ay door muuqda uga qaataan hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa qoraal rasmi ah ku muujisay mahadcelin ay u jeedisay Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Danjire Richard Riley, oo matalaya dowladdaasi. Wasaaraddu waxay ammaan iyo bogaadin u jeedisay taageerada joogtada ah ee Mareykanku siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Qoraalka ayaa si gaar ah u xusay in qalabkan la guddoonsiiyay ciidamada Danab uu muhiimad weyn u leeyahay howl-galadooda dagaal, gaar ahaan kuwa ka dhan ah Al-Shabaab. Wasaaraddu waxay sheegtay in qalabkani uu door muuqda ka qaadan doono sare u qaadidda xirfadaha iyo waxqabadka ciidamadaasi.

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ayaa tilmaantay in taageeradan ay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo awoodda ciidanka Danab.

Waxay sheegtay in agabkan cusub uu siin doono ciidanka fursad ay kaga hortagaan caqabadaha amni ee weli ka jira qeybo badan oo dalka ka mid ah.

War-saxaafadeedka ayaa xusay in iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka uu yahay tiir muhiim ah oo lagu kobcinayo awoodda ciidamada qaranka.

“Iskaashiga xooggan ee labada dal wuxuu kaalin muhiim ah ka qaadanayaa xoojinta awoodda ciidankeena, sare u qaadista isla xisaabtanka, iyo gaaridda isku filnaanta amni,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu sheegay in iskaashigan uu horseedayo in la gaaro isku filnaansho dhanka amniga ah iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee kala dhaxeeya dowladda Mareykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News