26 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Sawirro: Mareykanka oo is-beddel ku sameynaya saldhigii ay weerareen Al-Shabaab

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Saldhig ku yaalla meel ka fog magaalada oo dalka Kenya ah, kaas oo loo adeegsado in lagu taageero hawlgallada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sameynayaa is-beddel lagu hagaajinayo xaaladda nololeed, laguna adkeeyo amniga. Ciidamada ayaa ka guuraya teendhooyinkii ay ku jireen, waxayna u wareegayaan dhismooyin adag.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah hindise ballaaran oo lagu doonayo in lagu wanaajiyo amniga iyo diyaargarowga guud ee hawlgallada ee Camp Simba, sida uu sheegay Garabka 406-aad ee Duullimaadyada Hawada Sare (406th Air Expeditionary Wing) war-saxaafadeed uu dhowaan soo saaray.

Wajiga koowaad ee mashruucan ayaa 10 teendho oo waaweyn oo la rari karo, oo inta badan loo isticmaalo hawlgallada xasaradaha, lagu beddeli doonaa 88 guri oo kontaynaro ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Guryaha noocan ah ayaa si weyn looga isticmaali jiray saldhigyo badan oo ay ciidamada Mareykanku ku lahaayeen Ciraaq sannadihii dagaalka.

“Teendhooyinka hadda jira waxay u nugul yihiin dabka, cayayaanka iyo cimilada daran, halka dhismahan cusub uu bixin doono deegaan nololeed oo ammaan ah, la isku halleyn karo, oo waara,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Camp Simba, oo ku yaal meel u dhow xudduudda Soomaaliya oo ka tirsan xeebta Kenya, ayaa kaalin ka qaatay taageeridda hawlgallada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ee Soomaaliya.

Saldhigga ayaa sidoo kale bartilmaameed u noqday al-Shabaab, oo ah kooxda xagjirka ah ee Islaamiga ah ee muddo labaatan sano ah dagaal ka wadday Soomaaliya.

Sannadkii 2020, dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Manda Bay, oo qiyaastii hal mayl u jira Camp Simba. Labada gooboodba waxaa isticmaala ciidamada Mareykanka.

Askari ka tirsan Ciidanka Mareykanka oo lagu magacaabi jiray Henry Mayfield Jr., oo 23 jir ahaa, iyo laba duuliye oo qandaraaslayaal u ahaa Wasaaradda Difaaca, oo kala ahaa Dustin Harrison iyo Bruce Triplett, ayaa lagu dilay markii ay fallaagadu qabsadeen goobta Manda Bay.

AFRICOM ayaa ku qasbanaatay inay ciidamo gurmad degdeg ah ka soo dirto Jabuuti si ay u xoojiyaan saldhigga.

Weerarkaas kaddib, tallaabooyinka amniga ayaa la adkeeyay Manda Bay iyo Camp Simba si si wanaagsan loogu ilaaliyo ciidamada Mareykanka.

Casriyeynta ka socota Camp Simba “waxay ka tarjumaysaa sida ay militariga Mareykanka uga go’an tahay joogteynta saldhigga iyo ilaalinta ciidanka iyadoo la siinayo tashiilaad ammaan ah oo shaqeynaya,” ayuu yiri garabka.

- Advertisement -

Read more

Local News