Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa kullan uu albaabada u xiran yahay la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Garoowe.
Madaxweynaha maamulka iyo Ra’isul wasaaraha ayaa Xildhibaanada cusub kala hadlay arrimo farabadan oo ay kamid yihiin Doorashooyinka iyo Mas’uuliyada saaran Xildhibaanada.
C/wali Gaas oo haddalka ku hormaray ayaa waxa uu Xildhibaanada marka hore ugu baaqay inay muujiyaan mas’uuliyad waxa uuna sheegay in fashilkooda iyo wanaagoodaba ay usoo laaban doonto Puntland.
Gaas waxa uu Xildhibaanada xusuusiyay in fooda ay nagu soo heyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku-xigeenadiisa iyo tan Madaxweynaha dalka oo ay dooran doonaan Xildhibaanada cusub.
Gaas waxa uu Xildhibaanada ka dalbaday inay ka fiirsadaan cida ay siin doonaan Codadkooda, waxa uuna mar kale xusuusiyay in Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid uu kamid yahay Musharaxiinta codadkooda u baahan.
Ra’isul wasaare Cumar oo haddal kooban ka jeediyay kullanka ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay in Afarta sano ee soo socta ay Hogaamiso dalka, waxa uuna goobta ka sheegay in guushaasi ay imaankarto marka isaga la doorto.
Xildhibaanada ayaa iyaguna cod dheer ku sheegay inay u hogaansan yihiin amarka lasiiyo waxa ayna tilmaamen in Codka ay siin doonaan cida Xilkaasi mudan.