Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamada danbiyada dalka Sweden, ayaa waxaa maanta kasoo hor muuqday Rakhmat Akilov oo ahaa Ninkii loo haystay inuu ka dambeeyay weerarkii Stockholm.
Rakhmat Akilov, ayaa Maxkamada ka hor qirtay inuu ahaa shaqsigii ka danbeeyay weerarkii ka dhacay caasimada dalka Sweden.
Rakhmat Akilov oo 39 sano jir ah kana soo jeeda wadanka Uzbekistan ayaa sheegay in weerarkaasi uusan u dhicin sida uu doonaayay balse uu isaga yahay shaqsiga fuliyay weerarka.
Maxkamadu waxa ay amar ku bixisay in si wanaagsan mar kale loo baaro kiiska Rakhmat Akilov markii laga soo tago sheegashadiisa weerarka.
Maxkamadu waxa ay sidoo kale amartay in Rakhmat Akilov lagu sii hayo goob si weyn loo ilaaliyo inta ay baaristu socoto.
Rakhmat Akilov, waxa uu sidoo kale sheegay inuu yahay Muslim taageera ururka IS isla markaana xiliga uu weerarka geystayna uu si toos ah ugaga yimid ururka IS.
Sidoo kale, danbiile Rakhmat Akilov waxa uu Maxkamada ka dalbaday in qareenka ay dowlada u qabatay loogu bedelo qareen Sunni Muslim ah.
Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 4 ruux , halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen weerarka.



